Somali:Colaad
Sharci-dajiye Lagu Dilay Muqdisho
Gacan Kudhiiglayashii oo ka Baxsaday Dharkenley
Aaden Buulle Maxamed, sharci-dajiye ama mudane Soomaaliyeed ayey maanta ku toogteen degmada Dharkenley dabley aan la’garanayn oo ay gacan kudhiiglayaashiina ka carareen meesha.

“Mudanaha baarlamaanka rag hubaysan ayaa ku dilay gurrigiisa Moqdisho hortiisa, raggii weerareynay wey baxsadeen,” sharci-dajiye Maxamed Cumar Maxamoud ayaa Somalia Report u sheegay.

Cidina ma sheegaan inay ku luglahaayeen dilka, laakiinse kooxda fallaagada Islaamiga ku dhawaaqay inay dil shirqool la eeganayaan xubnaha baarlamaanka.

Maalinimadii hore ayaa kooxdu sheegatay inay masuul ka yihiin weeraro isdaba jog ahaa oo dhacay Tallaaladii, oo lix qofi ku dhinteen.

“Allaa Mahad leh, waxaan dilay in badan oo cadowga ah; Mujaahidiintayadu waxay weerar ku qaadeen madaxda iyo askarta DKMG waana wadaynaa ugaarsigooda,” Afhayeen Cali Dheere ayaa u sheegay iddaacad taageersan al-Shabaab.