“Haa, waxaan baabi’inay afar xero milateriyeed ku yiil gobolka Gedo oo ay ku jirtay xero ku taal tullada Fafax-Dhuun, oo ay al-Shabaab wax ku yeeli jirtay anaga iyo shacabka. Waxaan gabi ahaan burburinay saldhigyadoodii oo dhan waxaana ku sii jeednaa magaalooyinka kale ee gobolka ayna al-Shabaab ka taliso sida Baardheere,” waxaa yiri Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah sarkaal ASWJ.
Sheekh Cabdirahmaan wuxuu intaa kusii daray inay 130km usii jiraan degmada Baardheere. Wuxuu kaloo sheegat in ASWJ qabsadeen tuulada Ceel-Cadde, oo ilaa iyo 10km u jirta Baardheere ee gobolka Gedo.
“Waa run in ciidamada ASWJ iyo DKMG ay ku sugan yihiin Faafah-Dhuun markii ay al-Shabaab ka baxday. Waa ay burburiyeen dhamaan xeryaha militariga al-Shabaab ee tuulada,” waxaa yiri Mursal Yare, oo degan Faafah-Dhuun, ayaa Somalia Report u sheegay.
Mursal wuxuu kusii daray in ciidamada ASWJ iyo DKMG inay baandow kusoo rogeen Faafah-Dhuun ayna jareen isgaarsiinta intii ay fulinta wadeen.
Ciidamada DKMG oo Gaaray Bakool
Hadda waxaa gobolka Bakool gaaray 200 oo ciidanada DKMG, sida ay saraakiil DKMG u sheegeen Somalia Report.
“Ciidamadan waxaa lagu soo tababaray Itoobiya waxayna gaareen Bakool. Waxaa isla markiiba bilaabeen inay baaraan tuulooyinka qaarkood waxayna xireen la tuhmayaal,” waxaa yiri Facjar Deeq, oo ah sarkaal DKMG oo ku sugan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Wuxuu kusii daray in ciidamadu ka baxeen gobolka Gedo iyagoo raba inay gacanta ku dhigaan tuulooyinka gobolka Bakool, halkaas oo ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan al-Shabaab.
Mid ka mid ah dadka degaanka degan ayaa Somalia Report u sheegay inuu arkay ciidamada DKMG oo xiray 20 lagu tuhunsanyahay al-Shabaab.
“Waxaan dareemaynaa baqdin madaama ay ciidamada DKMG ay wadooyinka marayaan tuulooyinka ka baarayaan dad lagu tuhunsanyahay inay fallagada al-Shabaab gacansaar la leeyihiin,” waxaa yiri Faarax Axmed oo degan Xudur.
Saraakiisha DKMG ee bogolka Bakool waxay ku booriyeen inay wiiqayaan awooda xagjirayaasha kana cayrinayaan gobolka ayna nabadda gobolkana sugayaan.