Somali:Al Shabaab
Duqaynta Cirka oo ku Socota Al-Shabaab
Saldhiga Fallagada ee Yaaqle oo ay Weerareen Diyaarado Dagaal
11/22/2011
Duqeyn diyaaradeed ayaa lala eegtay xerada tababarka al-Shabaab ee Yaaqle ee koonfurta Soomaaliya maalintii Tallaalada sida ay saraakiil dowlada Soomaaliyeed u sheegeen Somalia Report.

"Diyaarado ayaa duqeeyey xerada tababrka al-Shabaab ee Yaaqle, laakiinse ma garaneyno dowlada leh diyaaradaha," waxaa yiri Axmed Xasan Cabdisalaan, sarkaal dowlada Soomaaliyeed oo ku sigan tuulada Qooqaani.

Jamaal Xasan Sareey, hoggaamiyaha ciidamada dowladda Soomaaliyeed, ayaa u xaqiijiyey Somalia Report inuu maqlay wararka duqynta.

"Waan maqlay dhacdada, laakiinse faahfaahin dheeraad ah kuma siin karo waayo telefoonada aagu si wanaagsan uma shaqaynayaan," ayuu yiri.

Sheekh Isaaq Mursal, xooghaya difaaca ee malayshiyada taabacsan dowladda ee Ahlu Sunna Waljamaca, ayaa Somalia Report u sheegay inay weerarka ku dileen degaalyahano al-Shabaab ah.

"Waxaan filaynaa in Keenya leedahay diyaaradaha, wararka soo baxayana ay muujinayaan in fallago fara badan la dilay," ayaa xooghaya difaacu yiri.

Wararka kalane waxay muujinayeen in shicib ku dhintay weerarada, Somalia Report waxay ku mashquulsantahay xaqiijinta wararka la sheegtay.

Afhayeenka ciidamada Keenya, Emmanuel Chirchir kama jawaabin telefoon lagu wacay, al-Shabaab iyaguna ma jawaabin.