Somali:Dowladda
DKMG oo Dagaalamay Laaluush
Ciidamada DKM ee Taakulaynaya Falalka Miinada oo ladagaalamay Xoogaga DKMG
By GALAD ALI ISMAIL 12/14/2011
Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay saddexna way ku dhaawacmeen kadib markay dagaal ka dhexmaray ciidamada dawlada Ku Meel Gaarka Soomaaliya (DKMG) ee Afarta Jardiino ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Degaalku wuxuu bilowday galabnimadii Arbacada markii hay’ada falalka miinooyinka ee ka hawlgasha caasimada Muqdisho, oo miinooyinka ka baarayey isgoyska Afarta Jardiino ay iska horyimaadeen ciidamo kale oo ka tirsan DKMG.

“Haa, waa run in dagaalku dhacay laguna dilay afar askari saddexna lagu dhaawacay. Dagaalku wuxuu dhacay markii ciidamda DKMG ay yimaadeen iyagoo laaluush warsaday hay’ada, ciidamada kale ee DKMG ee la socoday hay’aduna way diideen laaluush bixinta. Kadib Dagaal ayaa qarxay,” sarkaal DKMG ah ayaa Somalia Report u sheegay isagoon ismagacaabin.

Saraakiisha DKMG kama aysan hadal dhacdada.