Somali:Colaad
Dagaal Qabiilo oo ay Ku Dhinteen 75 Ruux
Gobalka Xadka Itoobiya ee Raaso oo Colaadi ka Dillaacday
By SUCAAD MIRE 03/01/2012
Ugu yaraan 75 ruux ayaa ku geeriyooday colaad qabaa’ilka degmada Raaso ee xudduuda Soomaaliya iyo Etoobiya udhexaysa, sida ay sheegen saraakiil iyo dadka degaanka ee gobolka.

“Isbitaalka Karamardha ayaa la keeney 120 ruux oo ku dhaawacmay Raaso inkalena kusoo qulqulayaan. Waxaa nasoo gaaray in 75 ku dhinteen dagaalka mase xaqiijinkarno,” Dr. Saciid Daaha ayaa yiri oo ka shaqeeya isbitaalka Karamardha ee Jigjiga oo ah caasimada gobolka. “Dhaawaca qaarkood waa dumar iyo caruur guban kadib markii guryahoodii dab ay qabadsiiyeen kooxaha dagaalamaya,” ayuu sheegay.

Dagaalku wuxuu bilowday markii labo jilib oo qabiilka Shiikhaal ay isku khilaafeen xukunka Raaso, sida Nimcaan oo sarkaal boliis ah usheegay Somalia Report.

Dadka degaanka ayaa goobta ka qaxay kadib markii malayshiyo qabiileed oo hubeysan ay uyimaadeen inay xoojiyaan kooxaha dagaalamaya.

Askarta dawlada Ethiopianka ayaa la filayaa inay soo gaaraan goobta, sida usheegay Maxamed Sadiiq oo ah afhayeenka Xukuumada Gobolka Soomaaliyeed oo la hadlay Somalia Report.

“Askarta dawlada ayaa lafilayaa inay soo gaaraan degaanka si ay nabada usoo celiyaan dadka shicibka ahna u ilaaliyaan, kadubna waxaan filaynaa in labada qabiil wada xaajoodaan si ay nabad udhaliyaan markale,” ayuu yiri.

Xudduuda udhaxaysa Soomaaliya iyo Etoobiya taariikh ahaan waa degaan lagu yaqaan dagaalka qabaa’ilka, maadaama ay degaan utahay kooxo kala duwan oo hubeysan oo Soomaaliyeed oo xoriyad doon ah sida Jabhada Xoreynta Qaran Ogaadeen (ONLF).