Somali:Burcad Badeed
UN-taa Joojisay la Dagaallanka Burcad-Badeedda?
Caddaymo Muujinaya Cunoqabatayn Lagu Sameeyey Dadaal Bulsheed:
03/16/2011
Taariikhdu kolkay ahayd 10kii Dec. ee 2010, ayey xukuumadda Soomaliland shaacisay inay gacanta ku dhigtay dayuurad sida ay sheegeen sidday saanad iyo aalado hub ah kuna sii jeedday ismaamul-goboleedka Puntland ka dib markay diyaaraddaasi si degdeg ah u cago-dhigatay garoonkeeda. Matt Byden oo ah khabiir ka soo jeeda dalka Canada iyo xubno kale oo ka socda hay’adda UN monitor group ayaa socdaal degdeg ah ku yimid magaalada Hargaysa si loo baadho dhacdadan. Haddaba wargayska Somalia Report ayaa waraysiyo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay goobjoogayaal badan soona ururiyey tilmaamo muujinaya inay arintu ka gudo-ballaadhan tahay sida ay saxaafaduhu u soo bandhigeen.

Bryden ayaa siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay xaqiijinayaan u cago-jugleeyey labadii muwaadin ee south afrkaanka ahaa uguna hanjabay inay iyagu masuul ka noqon doonaan waxa ku dhaca haddaysan la shaqayn. Xaqiiqduse waxay noqotay inay labada lahayste ay runta sheegayeen, noqdeenna suxufiyo laga yaqaan dalka South afrika, kuna sii jeeday mashruuca caalamku uga hortagayo burcadbadeedda ka jirta deegaanada bari, dhanka kale, eedayntii ahayd inay dayuuraddo siddo “Hub” ayaa isu beddeshay xamuul ka kooban 24 sanduuq oo ay ku jireen qalabka dhismayaasha, dhar-shaqaale iyo aalaadka lagu baadho lagagana hortago walxaha qarxa ee baabuurta lagu rakibo.

Wargayska Somalia Report ayaa sidoo kale sugaya inay diyaaraddan sidday muwaaddiniinta raashiyaanka ahi ay ku hawlanayd u adeegidda iyo qalab-siinta dafcadii labaad ee ka qalin-jabinaysay barnaamijka caalamiga ah ee ka hortagga budhcad-badeedda, sidoo kalena ay Bryden iyo saraakiil sare oo ka tirsan qaramada midoobay oo ay weheliyaan hawl-wadeenno dawladeedba lagu wargaliyey magaalada Nairobi mashruucan ka hortagga budhcad badeedda. Ma dhicin wax la yidhaa “cago-dhigasho degdeg ah,” ma jiraan hub & aalado kale oo ku qarsoonaa diyaaraddan, qaanuun iyo sharcina ma aha xannibaadda lagu sameeyey dayuuraddan iyo xadhigga lala beegsaday rakaabkii saarnaa. Waraysiyadii hore ee ka baxay saxaafadahana waxaa laga fami karaa inay qaramada midoobay si ula kac ah u dhaawacday mashruuc la dagalan budhcad-badeed si caalami ah loo maalgaliyey, hirgalintiisa iyo hoggaankiisuna ay waxgarad soomaaliyeed oo la yaqaan ay gacanta ku hayeen. Waxaaintaa dheer inay UN-tu ay xog-ogaal u ahayd dadka sida sharci darrada ah loo khafaashay iyada oo waliba Byren uu si degdeg ah ugu sii duulay dalka South afrika qorshihiisuna ahaa dacwad baadhid ah uu la beegsaday markab ku sii jeeday magaalada Boosaaso sidayna xamuul ka koobnaa qalab dhisme kaasoo loogu talo galay xerada tababarka mashruuca ka hortagga budhcad-badeedka.

Xidhiidhka Matt Bryden & Soomaliland: Qadiyadda ka dhaxaysa Matt iyo maamulka Soomaaliladn waxaad mooddaa inay hadhaysay walwal laga qabo in xoogagga ciidamada badda ee Puntland loo isticmaali doono deegaanada khilaafku ka taagan yahay ee kala ah Sool, Sanaag iyo Cayn. War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland kuna wajahnaa wax-kaqabashada budhcad badeedda Soomaaliland ayaad mooddaa inuu keenay tuhunka ku beermay Soomaliland, waxaase xusid mudan inay xaqiiqdu ahayd la dagaalanka budhcad-badeedka meel walba. Nasiibdaro, laxanka kulul ee dul saarnaa dabargoynta budhcad badeedka ee ka soo yeedhay xafiiska madaxweynaha Puntland ayey maamulka Somaliland u qaadatay hanjabaad iyaga ku aaddan. In kasta oon la beenin Karin hawlaha adag ee uu Mudane Matt ku jiro ayaa haddana waxaa xusid mudan in wada-xaajoodkii ka dhacay hotel Ambasador laga dhadhansan karay u xaglin maamulka goonida isu taagay iyo ka dhan-ahaansho khatarta laga hortagayo ee ay wadaan budhcad badeeddu. Wariyeyaashii Somali Report oo ka wada hawlgala Puntland, Nairobi,Somaliland iyo Mogadisho waxay waayeen raad muujinaya inay shirkadda Sarcean samaysay burburin cunoqabatayntii hubka ee ka jirtay geeska afrika. Tuhunkana waxaa beeray maadaama barnaamijku ahaa curdan hadda uun la abuuray, kuna koobnaa dhawr boqol oo tababaro looga furay duleedka Boosaaso.

UN-tu waxay oggolaansho u haysataa inay burburiso shirkado, ashkhaas iyo meherado kale iyada oo cunaqabatayn dhaqaale u isticmaasha. Nidaamka cunoqabataynta hubku waxaa la odhan karaa wuu fashilmay, waxaana tilmaan ahaan loo soo qaadan karaa arinka ah inay Al shabaab dibadda u soo saarto dhoolo-tus saxaafadeedna ku samayso hubkeeda iyo dafcada tabobarada ay u soo xidhayso, sidoo kale Ethiopia waxay si la wada ogyahay u hubaysaa malayshiyaadka ay ka midka yihiin ASWJ. Sidoo kale budhcad badeeddu waxay si sahlan u soo iibsadaan hubka a u baahdaan. Hay’adda cunoqabataynta hubku xil weyn iskama saarin isu hub-urursiga dhe yaala qabaa’ilka, beelaha iyo ururada danbiilayaasha ah.

Hay’adda caalamiga ah ee Sarcean, waxay ku ekeyd tababaro looga gol leeyahay nabad sugidda iyo sharci ilalainta deegaanka, waxayna ku hawl gali jireen hubka ay bixiso mamaulka Puntland. Pyred ,saraakiisha dawladeed iyo kuwa UN-tuba iyo shaqaalaha safaaradda maraykanka ee Nairobi waxay ka warqabeen ka hor intaysan dayuuraddu cagodhigan Somaliland inay jirtay nidaam Zako ururin ahaa looguna talo galay la dagaalanka argagixisada ku sii fidaysa gayiga iyo budhcad badeedduba madaama ay dawladda ku meel gaadhka ah iyo AMISOM ba aysan natiijo la taaban karo ka keenin dhibaatooyinkaa xajmiga wayn ee la soo gudboonaaday bulshadaas.

Halkii laga rabay inay UN-tu garabgasho dadaalkan dibadda laga waday, Byden wuxuu xidhay barnaamijkii oo idil, wuxuuna soo diray fariin uu si qayaxan ugu sheegay inuu soo rogi doono cunoqabatayn haddii barnaamijkan la sii wado.

Dadka u dhuun duleela arimaha barnaamijkan waxay tibaaxayaan laba arimood oo kala ah in UNtu lagu wargaliyey hawshan iyo in la shaqaalaysiiyey xubno sare oo ka mid ah shaqaalaha maraykanka si ay warbixino ula wadaagaan hay’aadka aan dawliga ahayn, diplomaasiyiinta, deeq-bixiyeyaasha iyo saxaafadda ku wada sugan Nairobi. Mashruucan waxaa si rasmi shir jaraa’id ugu baahiyey ismaamul-goboleedka Puntland iyada oo madasha ku soo bandhigtay muuqaalo muujinaya qalinjabintii dafcadii u horaysay ee hirgalin lahayd mashruucan, waxaana goobjoogayaal ka ahaa hawl-wadeeno ka socda Unta iyo masuuliin kale, labada suxufi ee south afrikanaka ahna wuxuu qorshohooda safar ahaa inay soo duubaan kama qaybgalaan qalinjabintaa ka hor inta ay afduubka loo gaystay dayuuradday saarnaayeen iyo dacwada aan raadka lahaynba lagu soo daabacay wargaysada dalka iyo kuwa caalamiga ah sida NY times. Ahmiyadduna waxay ahayd in la shaki galiyo la wasakheeyo barnaamijkan loona ekeysiiyo inuu ku lug leeyahay shirkada falalka xatooyo e guracan lagu sheego sida Blackwater.

Baadhid dheer ka dib waxaa caddaatay in maamulka Puntland oo lagu eedeyn jiray la shaqaynta budhcad badeedka inay dyaarinayeen 100 muwaadin oo ka tababar iyo xeelad qaataan khuburo ka kala socda south afrka iyo dawlado kale oo afrikaan ah, waxaana barnaamijkan hirgaliyey shirkadda caalamiga ah ee Sarcean. Wuxuuna ahaa barnaamij ay ka qayb ahaayeen keenidda gaadiidka cirka, badda iyo abriga si dhulka oo idil looga sifeeyo budhcad badeedda, loona bilaabo mashaariic bini-aadannimo oo lagu kabo burburkii ay keeneen Tsunaamidu.

Muuqaaladii asalka ahaa ee ay Somali Report nasiibka u yeelatay inay aragto waxaa ku wada jiray barnaamijkii tababarka ahaa oo dhamaystiran, waxaase ugu muhmsanaa dukumintiyo wada muujinaya qorshe horumarineed oo mustaqabal, sida dhisidda kaabayaasha dhaqaale, ka shaqaynta baahida bulshada, adeegga dadweynaha, ka hortagga abaaraha, qodidda iyo samaynta ceelal. Kobcinta nabadsugidda iyo dhismayaal isbitaalo lagu qalo bukaanka oo wada gaadiidyo kala duwan, sida Helicoptaro iyo gawaadhi.

Sarcean iyo Muqdisho Hay’adda Sarcean waxaa looga yaqaan Afrika shirkad nabad-sugid oo khaas ah lagana leeyahay dalka Ugandha ilaa sanadkii 195. Mulkiilaha shirkaddan mudane Bill Prenser wuxuu beeniyey inay jiraan wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya shirkaddiisan iyo barnaamijka. Dhanka kale,baadhis dheer ka dib, waxay saaafaduhu xaqiijiyeen in shirkadda Sarcean ee ka hawlgasha Puntland ay tahay mid gooni ah saldhiggeeduna ku yaal Lebnaan. Waxaana iska leh Lefras luting oo ah muwaadin si aad ah looga yaqaan dalka South afrika. Luting oo ah aasaasihii shirkadda kale ee loo yaqaan Executive O ayaa ah sarkaal sare oo ka soo shaqeeyey tababaradii loo furay dalka Angola iyo Sieraleon. waxaa dhanka kalena lagu yaqaan kaalinta lixaad ay ka gaystaan xilliyada colaadda. Waxaa muuqata inay shirkada Sarcean ay tahay mid qandaraas rasmi ah oo ku salaysan sugidda amaanka iyo sharci-ilaalinta ka haysata dawladda ku meel gaarka ah ee Soomalaiya, nasiibdaro, UN-tu ma aysan tixgalin dadaalkaa, waxayna xannibtay dhamaan hawlihii ay shirkaddu qaabilsanayd. Waxaa in muddo ah iska jiray shaki ku salaysan sumcadda shirkadda EO iyo sumcad xumo ka soo gaadhay khayraad dabiici ah oo sida la sheegay laga xaday dhul-xeebeedka dalka Angola iyo dhaymanka Siereleon, balse dalka Soomaaliya kolka laga hadlayo waxaan suurogal noqon Karin eedaymo noocaas oo kale ah marka la xeeriyo muddada yar ee ay shirkaddu hawlgalaysay. Saxaafadaha caalamka iyo bulshada soomaaliyeedna kama aysan fursan inay banaanka soo dhigaan macluumaadka dhabta ah ee ku saabsan shirkaddan. Dhabtu waxay tahay in Soomaalidu ay haystaan dad muwaadiniin ah oo loo tababaray ilaalinta dhulkooda , waxayna xeelad dheer u leeyihiin hawlgallada guracan ee ka dhaca gayigooda. UN-tuna waxay ka gaabisay garabgalka barnaamijyada horumarineed, aadannimo ee looga baahnaa dhulkaa. Dareenka maanta ka jira dhulkaas ayaa ah in ciidamada isugu jira Burundiiska iyo Ugandhiiska ee mushaarka lagu siiyo ilaalina nabadda Soomalaiya iyo kuwa lagu tababaro gudaha dalalka deriska ah sida Kenya iyo soo galiddiii Ethiopia-ba ay dhamaantood yihiin jawiga keenay in dhaqdhaqaaqa Al shbaab iyo Budhcad-badeedduba ay cirka isku shareeraan.

Sababta mashruucani u noqday mid la is hortaago ayaa salka ku haya inuu ahaa barnaamij ka soo fulay garashada dawladda Puntland, UN-tana ku abuuray dareen ah inuu yahay mid ka baxsan saydaraddeeda, si xawli ahna u hirgali doona. Wuxuu ka tayo wanaagsanaan karay kuwa lagu naas-nuujiyo deegaanada ay colaaddu hafisay sida Muqdisho iyo meelaha la midka ahi, waxaana suuro-gal noqon lahayd in maamulka Puntand uu UN-ta kala wareego nidaamkii awoodeed iyo kaalintii waxqabad ee laga sugayey hay’aadka UN,ta. Dhanka kale, waxaa cad inaysan AMISOM kari iyo xeelad toona u lahayn dabargoynta budhcad-badeedda sidoo kalena ma jiraan hay’ado ku lug leh Unta oo aad uga hawlgala gobolada waqooyi. Maamulka Soomaalland in kasta oo uu ku hubaysan yahay aalado casri ah haddana ma jiraan dhaqdhaqaaq budhcad badeed oo ka soo yeedha gayigooda.