Somali:Burcad Badeed
Budhcad-Badeed la Qabtay, Maxaa ku Xiga?
Cakirni xagga qaanuunka ah oo ku geedaaman Budhcaddii Makabka Quest
By TARA HELFMAN 03/16/2011
Lix iyo tobankii ka soo hadhay budhcad-badeedkii weerarka u gaystay markabkii,SV Quets,, kaasoo keenay dilkii afartii muwaaddin ee maraykanka ahaa ayaa la soo saaray diyaarad lagu wado inay soo gaado dalka maraykanka si loola tiigsado maxkamadda sharciga. Xoghaynta dalkan maraykaka, marwo Clinton ayaa aaminsan in is-taxaalufaysi caalami ah iyo iskaashi laga hortago budhcad badeeddu ay tahay hanaanka ugu haboon ee lagu maamuusi karo muwaadiniinta gacanta budhcad-badeedda ku dhintay. Tilmaamaha iyo natiijooyinka ka soo baxaya baadhista ay wadaan khuburada danbi-baadhistu ayaa ah kuwo huwan sawir mugdi ku jira. Waxayna calaamad su’aashu saran tahay in la hayste-yaasha loo khaarajiyey si ula kac ah, inay ku dhinteen muran xooggan oo soo kala dhex galay dhinacyada is haysta iyo cidda looga shakiga qabo inay ridday xabadda wax dishay. Waxaa muuqata in raadka iyo taarrikhda lagu yaqaan wasaaradda arimaha dibadda iyo hay’adaha qawaaniinta iyo caddaaladda eek u wajahan sharci-ku oogidda budhcad-badeedyada laga keeno daafaha caalamka uusan ahayn mid aan caddaalad ahayn, sidaa dateed maxsuulka ka soo baxa baadhiddan socota ma yeelan doono miisaan culus. Waxaana taa kaaga marag ah in kolkay maxaabiistii budhcad-badeedku soo gaadheen cariga maraykanka ay durba bilaabatay ayaa waxaa soo muuqday judhiiba kala-maan shishe iyo is qabqabi dhex maray sharci-yaqaanada, xeer-beegayaasha iyo qareemada dalkan kuna wajahan nidaamka loola dhaqmi lahaa maxaabiistan iyo qeexidda asalka ah ee kalmadda “Budhcad-badeed”. Sanadkii tagay Bishi Aug. ayey maxkamad ku taal gobolka Virginia ayaa gaashaanka ku dhufatay xukun loogu yeedhay “weerar budhcad-badeed” ka dib kolkii la keenay dhawr muwaadiniin soomaaliyeed ahaa, kuna furay rasaas markabkii ahaa USS Ashland, go’aanka maxkamadda ayaa ahaa in rasasa lala gafay markab socday aysan soo gali Karin sifooyinka budhcad-badeednimo. Yaxyax iyo filan-waa kala soo gudboodaay dhiirashada budhcad-badeed la beegsatay rasaas maraakiibtooda xajamiga wayn iyo kala aragti ku foorarta shuruucda laga yeeli lahaa arinkan ayaa ku keentay wasaaradda arimaha dibaddu inay ku kala fogaato qawaaniinta lagu dabakhi lahaa qadiyaddan. Arintu kolkan waxay ahayd koox soomaaliyeed oo rasaas la beegsatay markabka USS Nicholas iyagoo ku khalday markab dalxiis. Taasi waxay kaliftay in qareen-wadaha wasaaradda arimaha dibadud u soo bandhigo bayaan ku aaddan qeexidda iyo la dhaqanka budhcad-badeedka gude iyo dibad

Wasaaradda arimaha dibaddu waxay ku guuldaraystay inay xeeriso isla markaana dhaqan-galiso shuruucdii asaasiga ahayd, taasi waxay ku kalfray Maxkamadda caddaaladdu inay qaadacdo dacwadii la soo hordhigay, waxay maxkamaddu ka indho-adaygtay inay ku addeecdo wasaaradda xukun aan qawaaniinta waafaqsanayn, waxayna gunaanad ku gaadhay inay qeexidda “Budhcad-badeed”, kolka la xeeriyo qawaaniinta maraykanka ay tahay la beegsiga ay kooxo dano khaas ah wata si sharci darro iyoula-kac ah ula beegsadaan weeraro maraakiibta iyo gaadiidka badda, haba noqdo weerarkaasi mid hirgala ama mid fashilma’e. Maadaama ay arintani keentay hardan-afkaareed oo ku saabsan qeexidda iyo xukunka kalmadda “budhcadbadeed” isla markaana ay laba xeer-beegayaal oo ka kala socda isku maxkamad ay ku kala tageen fahanka qaddiyaddan ayaa waxay kaliftay in muddo badan ay qaadato in maxaabiista budhcadbadeedda la keeno carriga maraykanka. Cadaadis badan oo iyo xiisayn xagga shacabka ka imanaysa ayaa qasab uga dhigaysa hay’aadka qawaaniintu inay horay u dhaqangaliyaan xukunka arinkan. Muwaaddiniin ku sugnaa madasha afduubka ayaa indhohooda ku arkay argagaxa iyo amakaagga kaga yimid ka dib markay arkeen maraakibtii dagaalka e xajmiga waynaa oo ay waqti badan ku qaadatay inay la tacaamulaan doomo aan ka badnayn 58 Yatch oo ay saarnaayeen dhawr qofood oon hub tayo fiican leh haysan. Sidaa darted fashilka kale ee kuyimaadda xukun-ka gaadhidda budhcadda ayaa sumcad-xumo kale ku keeni karta xeer-ilaaliye-yaasha udhooda. Waxaad mooddaa inay maxkamaddu isku dheeli-tirayso xukun-ku oogidda budhcaddan iyo hanaanka loo soo dhiraandhirin karo danbiyada lagu soo oogay. Waxaana la isla dhex marayaa in lataliyha wasaaradda arimaha dibadda ee arimahani uu kaalin muuqata ku leeyahay axwaashan socota. Danjiraha dawladda maraykanka u fadhiya xafiiska qaramada mdoobay, Marwo Suzan Rice ayaa Aug.2010kii, laga soo xigan kara weedheedii ahayd “ marna ma sahlana dhaqangalinta shuruucda lagula tacaamulayo budhcad-badeedda, wixii talo, tilmaan ama tusaalayn ah ee ku aaddan arinkan cakiranna si wanaagsan ayaan u so dhawaynaynaa” Xilli ay hawlgallada budhcad-badeedda geeska afrika cirka isu sii shareerayaan, muddo 7 bilood gudahood ahna ay weeraro lixaad leh iyo dhawr dhimasho u dhaceen, ayaa wuxuu walwal ka jiraa sidoo mawqif laga wada midaysan yahay looga gaadhilahaa xalinta qadiyaddan cakiran. Dawladda maraykanka waxaa si qayaxan ugu qeexan dastuurkooda sharciga, xukun ku oogidda iyo iyo dhaqangalinta shuruucda budhcad-badeedda, aafaduse waxay ka jirtaa fahanka iyo aqoonta xeer-beegayaasha oo ku wada fashilmay dhiraandhirinta qawaaniinta iyo wasaaradda arimaha dibadda oo ku fashilntay hirgalinta caddaaladda. Ma haboona inay wasaaradda arimaha dibaddu ku ekaato daawade, ee waa inay la falgasho qadiyadda, kuna soo biiriso kooxo khuburo ku ah arimahan si looga feejignaado fadeexad danbe oo kaga timaad dhinacaa. Arinkanse wuxuu ku xidhn yahay ka dib kolka la isa fahmo xeerarka lagana gaadho gunaanad la iksu af-garto isla markaana xabsiga loo so taxaabo danbiilayaasha. Hadday xukuumadda maraykanu ku fashilant dhaqangalinta dunuub duleedka iyo daafaha caalamka kaga culus danbiyada kale, rajada kolkaa laga qabo la dagaalanka iyo dabargoynta budhcad-badeedyada badaha caalamiga ahi way yaraan, sidoo kale himilada laga qabo meel-marinta iyo tixgalinta qawaaniinta caalamiga ahi way sii yaraan.