Somali:Dowladda
Guddiga Bakaarah Eedeeyey AMISOM
Ganacsatada Suuqa oo Dhaliilay AMISOM
03/22/2011
Guddi ka socda ganacsatada suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha, ayaa ku dhaliilay xoogagga AMISOM ishortaagga dadaalo loogu jiray in dib loo furo waddooyinkii soo galayey suuqa bakaaraha. Waddooyink ayaa waxaa xidhay labada dhinac mudadii lagu jiray isku-dhacyadii dhawaan dhex maray malayshiyooyinka iyo xoogagga AMISOM ee taageeraya dawladda ku meel gadhka ah. Cali maxamed siyaad o ah guddoomiyaha guddiga ganacsatada suuqa bakaaraha, ayaa u sheegay wargayska Somalia report inay kulamo gooni ah la qateen saraakiisha Al -Shabaab iyo dawladda ku meel gaadhka ah ayna ka dhaadhicyeen in dib loo furo waddooyinkan. Ganacsatadu waxay shirar la kala galeen dawladda ku meel gaadhka ah iyo saraakiisha Al-Shabaab, waxayna kala xaajoodeen sidii dib loogu furi lahaa waddooyinkan, ka dibna ganacsiga suuqa oo uu baryahan hoos u dhac ku yimid loo soo celin lahaa . Mudane Cali ayaa intaa raaciyey inay AMISOM ay ku gacan saydhay dadaaladan oo ay diidday. Maalmihii la so dhaafay ayaa waxay kulamo iyo wada hadalo dhex marayeen saraakiisha Al-shabaab iyada o ay ganacsatadu ka codsatay Al-shabaab in la furo jidka Tarabuunka oo isagu ah mid ay baabuurta waawayni ka gudbi karaan, saraakiisha Al-shabaab ayaase diidday codsigaas. Al-Shabaab ayaa iyadu ka qodatay dhufaysyo waawayn ka qodotay waddadaa si ay uga hortagto inay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ku meel gaadhka ahba ay ka qabsadaan saldhiggooda ku yaala Isbitaalka xoogga, taleex iyo tarabuunka. Saraakiisha Al-Shabaab ayaase ugu danbayntii aqbalay inay dib u furan waddada Sayidka ama jidka dabka, midkood. Si ay haddaba Soomaalidu u tagto suuqa, wa inay lug kaga soo gasho dhanka jidka sayidka iyagoo qaadaya waddo cabsi badan, waddada suuqana u sii maraya jidka Far-jano oo ah mid cidhiidhi ah kuna yaal xaafaadda aad loo deggen yahay ee Tokyo, kuna taal degmada hawl-wadaag ee Muqdisho.