Somali:Al Shabaab
Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Al Shabaab
Boqolaal isugu soo baxay Nairobi kana soo horjeeda Al Shabaab
03/22/2011
Boqolaal soomaali ah ayaa jimcihii isugu soo baxay caasimadda Kenya, Nairobi mudaharaad ay ugu baaqyaaan dawladda Kenya inay weerarto xagjire-yaasha islamaiinta ah ee somaalia, Al shabaab. Ugu yaraan kun mudaaharaadyaal oo u badan dhalinyaro ayaa watay boodhah iyo garamo muujinaya halku dhagyo lid ku ah al shabaab sida “ waxaan nahay dhalinta Kenya, waxaanan diyaar u nahay la dagaalanka al shabaab” banaanbaxyadan oo si lama filaan ah uga bilowday Nairobi ayaa ahaa kuwo xasiloon, bilayskuna uu gaadhka ka hayey. Waxaa fajac noqotay dadkii banaanbaxayey oo watay calamada Kenya iyo soomaaliya. Waxay isugu soo baxeen waddooyinka ugu waaweyn Nairobi iyagoo sawaxan iyo hal-ku dhegyo ka dhan ah al shabaab ku qaylinayey, waxayna goobta ku gubeen sumadda al shabaab. John Muhoho oo ahaa hoggaamiyaha isu soo baxan ayaa cabasho ka muujiyey hadalkii dawladda Kenya ka soo yeedhay ee ahaa inaan wax tallaabo ah laga qaadin hanjabaaddii al shabaab. Uhohu ayaa yidhi “dawladdu waxay shaacisay inay dadkani ku sugan yihiin waddanka dhexdiisa, qaarkoodna ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah”. Waxaan doonaynaa in tallaabo la qaado lagana hortago qalalaale yimaadda. Banaanbaxyadan oo ka soo bilowday jardiinada Uhuru ayaa ku yara hakaday dhismaha baarlamanka iaygoo dibadbaxoodii ku soo gunaanaday aqalka madaxweynaha halkaas oo ay dalbadeen in tallaabo degdeg ah la qaado. Muhoho ayaa sheegay in kooxo ka mid ah Al shabaab ay sababeen dhimashada iyo burburka soo gaadhay dalka labadii sanee u danbaysay. “Ma doonano ayuu yidhi inay dhimasho danbe dhacdo. Waxaad aragtaan qalalaasaha ay danbiilayaashani ka abuureen Mandhera iyo dalkoodaba, waana sababta aan u doonayno in tallaabo degdeg ah la qaado.”. Muwaadiniin badan oo soomaaliyeed oo la kulmay mudaharaadada ayaa ka cawday cago-juglayn. C/laahi Mustaf oo ah ganacsade ayaa yidhi ‘waxaa I joojiyey dibadbaxayaashii, waxay I waydiiyeen inaan Al shabaab ka tirsanahay, tiradooda badan ayaa cabsi igu beertay, waxbana ma aanan odhane, gaadhigaygaan joojiyey” Banaanbaxan ayaa aha falcelintii u horaysay ee ay bulshadu ka samayso hanjabaaddi dhawaan ka soo yeedhay afhayeenka al shabaab sheikh Mahamoud raage , kaaso gu gooddiyey inay weeraro la beegsan doonaan Kenya. Dawladda Kenya ayaa dhawaan shaacisay sawirada toddobo la sheegay inay tababaro ka soo qaateen al shabaab. Waxaana liiskaa ka mid ahaa John Mwanzi Ngui (kumagac dheer Yaxye) iyo David kihuho wangechi (loo yaqaan Yuusuf) kaasoo dhintay. Iyo Eric achayo ogada (loo yaqaan swaleh ibraahim) , Steven mwanzi Osaka (loo yaqaan duda brown), Jeremiah okumu (loo yaqaan duba black ama maxamed. Kuwa kalee ku jiray liiska ayaa waxaa ka mid ahaa Sylvestor opiyo osodo (loo yaqaan muuse), abbass Hussein ndeito iyo ibraahim ruta (loo yaqaan musyiki kyondi). Kuwa kale ee laga shakisan yahay inay dhex gooshayeen soomaaliya iyo Kenya dhexdooda, liiskana ku jiray ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan mutual daud, abass muhamed mwai iyo juma ayuub otit. Bilayska Kenya ayaa u sii sheegay muwaadiniinta keenyatigu inay ka warqabaan amniga meelaha lagu caweeyo sida baararka, hoteelada iyo xitaa suuqyada iyagoo sheegay inay suurogal tahay weerar ka yimaad xagga al shabaab.