Somali:
Golaha Amaanka ka Dooday Arinka Soomaliya
Doodda golaha amaanka: hadal badan & hawl yar
03/22/2011
Horraantii bishan ayuu safiirka dalka China, Li Baodong , dhambaal ku saabsan xuska madaxweyne-nimada dawladda China ee golaha amaanka u diray xoghaya guud ee qaramada midoobay. Dhambaalkan ayaa wuxuu ku sheegay inay beesha caalamku muddo ka badan labaatan sano ku hawlanayd xal-u raadinta qadiyadda Soomaaliya. Safiirku wuxuu yidhi “ maadaama ay isku dhafan yihiin xaalado badanoo wada cakiran sida argagixisada, caraqaladaha joogtada ah, hoos u dhaca xaaladaha aadannimo, iyo hawlgallada budhcad-badeedda oo cirka isku shareeray ayaa waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay istaraatiijiyad gudo ballaadhan oo lagula tacaalo arimahan, Danjiraha ayaa isagoo ku xisaabtamaya duruufahan qalafsan ku baaqay in la isugu yimaaddo doodo furan oo ku foorara “Istaraatiijiyado gudo-ballaadhan oo looga gol leeyahay nabad iyo xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya” . in kasta oo ay tallaabadani wanaagsan tahay ayey hadda waqtigeedii ka dib dhacday. Xilli ay dawladda ku meel-gaadhka ahi u hadhsan tahay ilaa shan bilood ayaad mooddaa inay beesha caalamku ka wada sinnayn mawqifkooda ku aaddan soomaaliya kolka la barbardhigo waqtiyadii hore. In kasta oo ay jiraan horumaro ay ciidanka AMISOM ka gaadheen Muqdisho ayaa haddana ay wali socdaan dagaaladii sokeeye. Dhanka kale aragtidii ahayd in 20ka bisha Aug. la higsanayey taabo-galkii “Nabad ku soo dabaalidda soomaaliya” ayaa iyadu u eg mid aan muuqan. Xoghayaha guud ee qaramada midoobay, mudane Ban Ki Moon oo Khamiistii, 10ka March furay doodad golaha amaanka, ayaa yidhi “ xaaladda soomaliya waxay mudantahay ahmiyad degdeg ah, guulaha milatari ee dawladda ku meel-gaadhka ah iyo ciidamada AMISOM wa akuwo aan cago badan ku taagnayn, xaaladaha aadannimo way liitaan, qalalaasuhuna wali wuu socdaa” . wuxuu xoghayuhu ugu baaqay golaha amaanka inay ku saacidaan dawladda iyo AMISOM-ba xoojinta guulahan curdanka ah. Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in saamigii dhaqaale iyo kabiddii saanadda iyo saadka milatari-ba ee UN-ta iyo beesha caalamku ay ka hoos martay heerkii laga rabay. Wuxuu ugu baaqay xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka inay kordhiyaan taageerada qaaraanka AMISOM isla markaana ay xisaab-celin u sameeyaan dawladaha ku deeqay qalabka iyo ciidankaba. Golaha amaanka ayaa wadajir u ansixiyey hindisaha xoghaya guud ee ugu baaqaya in dawladaha soomaaliya danta ka leh ay si shuruud la’aan ah taageero dhaqaale ula garab istaagaan hawlgalka ay AMISOM hormuudka ka tahay. Haseyeeshee dawladda igiriiska ayuunbaa ilaa iyo hadda kordhisay yabooheedi dhaqaale iyadoo balanqaadday inay 3 million ugu deeqayso hawlgalka AMISOM. Golaha amaanka ayaa cambaarayn badan dusha kaga tuuray falalka is-hortaagga kaalmada bini-aadan ee ay ku kacaan Al shabaab iyo xoogagga kalee hubaysan, sidoo kalena canbaaraysay hawlgalada budhcad-badeedda, weerarada lala beegsanayo dawladda, AMISOM iyo xasuuqa shacabka maatida ah ee ay ku kacayaan xoogagga ajaanibta ah ee al-shabaab. Maalinka intiisi kale ayaa waxaa hadheeyey dooddii arimo aan is daboolayn oo is wada burinaya, kuwaasoo qayb ka ah dhaqanka soo jireenka ah ee ay beesha caalamku kula macaamisho soomalaiya. Hawl-wadeenadii matalayey 15ka xubnood ee golaha amaanka ayaa ku baaqay dib-u xoojinta dawladda ku meel gaadhka ah, dhanka kalena ka biyo-diidsan dagaalka dhexdeeda ah. Waxay dhinac gaashaanka ku dhufteen in faragalin Milatari aysan ahayn suurogal, haddana ku adkaysanaya xoojinta AMISOM. Waxay dhan ka soo jeediyeen dardargalinta faragalin caalami ah haddana dhanka kale waxay isku raaceen in mushkiladdan si heer dawlad qaran ah loo xakameeyo. Waxay dhan ka soo jeediyeen in xasaradda budhcad-badeedda lagu wajaho dhulka, haddana ma aysan soo bandhigin nidaamkii lagu hirgalin lahaa mushkiladdaa, waxay sidoo kale keeneen qorshe ah kaalmada aadannimo ee lagaga hortagayo abaaraha iyagoon la iman tallaabo wax ku ool ah oo lagula tacaalo arinkaa. Intaas oo idil waxaa raacay in danjiraha Nigeria, Kio Amieyeofori uu ku baaqay kordhinta ciidanka AMISOM ilaa 20,000 oo askari. Waxaa madasha shirka ka muuqday khudbaddii uu ra’iisal wasaare Maxamed C/laahi Maxamed u soo jeediyey golaha amaanka. Ra’iisal wasaaraha ayaa kolka loo eego madaxdii isaga ka horaysay ee soomaaliyeed si xeel dheer u abaaray qadiyadda murugsan ee dalka taala, isagoo aad ugu nuuxnuuxsaday, beesha caalamkana dareensiiyey ahmiyadda khaaska ah ee dhibka soomaaliya ku leeyahay masraxa caalamiga ah. Isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi “Waxaan safka hore ee difaan aan kaga jirnaa rugta budhcad -badeedda iyo bar-kulanka argagixisada. Kaliya ma aha inay labadan aafo isku sidkan yihiin ee waxay xaqiiqdu tahay inay hawl-wadaagna leeyihiin”. Wax lala yaabo ma noqon doonto haddii urur waynaha Alqaacida ay mustaqbalka dhaw afduubtaan maraakiibta wayn ee loo yaaan tanker-ka ka dibna ay u isticmaalaan hub ahaan. Maxay ka faa’iidi diyaarad yar hadday la wareegi karaan maraakiibta xajmiga wayn? Waxaad mooddaa inuu Ra’iisal wasaaruhu ilaa xad ku wargaliyey golaha amaanka suuro-galnimada in ururka Al-qaacida ay ka samaystaan badweyntooda saldhig ay hawlahooda kaga hirgaliyaan caalamka. Wuxuuse aad uga feejignaa inaan aqlabiyadda bulshada soomaaliyeed loo qaadan xagjire-yaal, iyada oo tirokoob dhawaan la soo gabagabeeyey uu muujiyay in wax ka badan 75% ay soomaalidu yihiin dad qunyar socod ah, taasina waxay marag ka tahay inay dawladda ku meel gaadhka ahi ay ku guulaysatay kasbashada maanka iyo quluubta shacabkeeda. Dhaqaale ku filan hawshan oo helo beesha caalamka ayuu yidhi ra’iisal wasaaruhu waxaa hirgali doonta soo afjaridda qalalaasaha, abaaraha xajmiga ballaadhan, shaqo-la’aanta la factirsatay argagixisada iyo budhcad-badeedda. Waxaan kuwa mayalka adag dib ugala soo noqon doonaa jiritaankeena, dhulkeena, sumcaddeena. Wuxuu ra’iisal wasaaruhu golaha amaanka hortiisa ku balan qaaday inay wax kasta oo ay qaadato ay ku soo noqon doonaan dawlad xuduudaheeda ka ilaalisa cadawga ajaanibta ah iyo midka muwaadinka ah, waxaan dabar-goyn doonaa dhamaan mishaakilaadka ay ugu horeeyaan budhcad-badeedda iwm. Waxaan soo saari doonaa qaran nabad ku nool kulana nool dariskiisa. Maalin idil kolkii laga doodayey ahmiyadda “istaraatiijiyad gudo-ballaadhan oo loga gol leeyahay nabad ku soo dabaalidda soomaaliya” waxaad mooddaa inay golaha amaanku aysan meeshoodii dhaafin, gunaanadna ku gaadhin dhaqangalinta hawshaas. Haddii xitaa waqtigu u saamixi lahaa hirgalinta siyaasaddaa ka hor intaysan dawladda ku meel-gaadhka ahi dhamaysan waqtigeeda, waxaa looga baahan yahay in golaha amaanku ay la yimaadaan istaraatiijiyad la taaban karo oon is burinayn kana duwan kuwa aan aadka u bislayn, kuwaasoo intooda badan ku danbeeya fashil isla markaana dadaalka beesha caalamka ee soomalaiya ka dhiga hal bacaad lagu lisay. Waqi badan uma hadhin qaramada midoobay, xilligii dooduhu way iska gabagaboobeen, waxaa la gaadhay xilligii go’aan yeelashada iyo dhaqangalintiisaba.