Somali:Dowladda
Ra’iisal Wasaaraha UN-tu Mogadishu Usoo G
Farmaajo oo ka Dalbaday UN-tu inay Muddo 90 Cisho ah ku soo Guurto
04/07/2011
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa isniintii ugu baaqay inay hay’adaha UN-ta ee ku sugan Narobi,Kenya ay xafiisyadooda u soo raraan Soomaaliya. Arintani waxay tilmaamaysaa kaal-qaybsani soo kala dhex gashay dawladda iyo UN-ta

Shir saxaafadeed uu galabnimadii isniinta ahayd qabtay ayuu ra’iisal wasaaruhu wuxuu yidhi “ Waxaan ugu baaqaynaa inay xafiisyada UN.tu soo degaan muqdisho muddo 90 maalmood gudaheed ah”.

Baaqan ah in xafiisyada la soo raro ayaa ka danbeeyey ka dib markay dawladda ku meel gaadhka ahi ay xayirtay laba sarkaal oo ka shaqaynayay xafiiska arimaha xuquuqul insaanka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlaya arinkan ayaa yidhi “ Marna ma oggolaan doono kooxo ama ashkhaas ka shaqaynaya burburinta dawladdeena”.

Dawladda ku meel gaadhka ahi waxay kale oo ay qorshaynaysaa inay qaadacado shirka nabadda ee UN-ta, kaas oo la filayo inuu dhamaadka bishan ka dhaco Nairobi. tallaabadan Farmaajo ayaa haddaba u eg mid looga dan leeyahay shaqaalaha tirade badan eek u wada sugan caasimadda Kenya.

Khilaafkan ayaa isagu salka ku haya go’aankii uu dhawaan baarlamanka soomaaliya ku gaadhay inuu awoodda ku kordhisto saddex sano oo danbe iyada oo go’aankii xigayna ay golaha wasiiradu ku dalbadeen in xukunka loogu daro sanad danbe. muddooyinkani waxay ku ekaayeen bishan August.

Beesha caalamka iyo waliba wakiilka khaaska ah ee arimaha soomaaliya u qaabilsan UN-ta, mudane Augustine Mahiga ayaa aad u dhaliilay muddo kororsigan.

Marka laga yimaaddo khilaafkaa, ra’iisal wasaare Farmaajo wuxuu ka dalbaday beesha caalamka inay sii adkeeyaan hawlagalda ka dhanka ah budhcad-badeedda, isagoo ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay hirgalinta hawshaasi.