Somali:UN-ta
Ergayga UN-ta oo soo Gaadhay Garoowe
Booqashada Mahiga oo diiradda Saarysa Abaaraha, Budhcadda & Siyaasadda
04/07/2011
Ergayga khaaska ah ee xoghayaha UN.ta u qaabilsan arimaha Soomaalia, danjire Augustine P. Mahiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay caasimadda Puntland, magaalada Garoowe saacaddu markay ahayd 2pm. Wafdigan ayaa waxaa si diiran magaalada ugu soo dhaweeyey saraakiisha punland iyo xubno ka tirsan hay’adaha UN.ta Mahifa iyo wafdigiisu waxay kulan la qaateen madaxweynaha is maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan maxmed maxamuud Farole iyo golaha wasiirada ee dawladda. Waxayna ka wada hadleen xaaladda dalka Somaaliya, abaaraha ba’an ee haatan jira, dhibaatooyinka budhcad-badeedda iyo xasaradda ka dhex oogan dawladda ku meel gaadha ah ee Soomalaiya iyo is maamul goboleedka puntland, taasoo cirka isku shareertay bilihii la soo dhaafay. Mahiga ayaa waday dadaal loogu jiro xal u helidda khilaafka dhex yaala dawladda ku meel gaadhka ah iyo midda Puntland, kaas oo ku salaysan muddo kordhinta dawladda oo uu mamaulka Puntland ka soo horjeedo. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa hawl-wadeeno u yimid inay wax ka ogaadaan saamaynta ay abaaruhu ku keeneen wadanka. War-saxaafadeed uu Madaxweyne Fraoole shirka ka dib soo saaray ayuu ku boogaadiyey danjire Mahiga hindisihiisa uu ku doonayo inuu xal u helo xaaladda adag ee Soomaaliya. Danjire Mahiga ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisan uu ku yimid Puntland, wuxuuna yidhi waxaan aad u rajaynayaa in wadahadalada aniga iyo madaxweyne Faroole ay midho dhal yeelan doonaan. Booqashada garoowe ka hor, danjire Mahiga wuxuu booqasho ku tagay magaalada Hargaysa ee Somaliland, isagoo hadda dib ugu noqday magaalada Nairobi. Waa booqashadii labaad ee uu danjire Mahiga ku tagay Puntland tan iyo markii loo magacaabay ergayga khaaska ah ee xoghayaha UN.ta u qaabilsan arimaha Soomaaliya.