Somali:Al Shabaab
Hoggaamiyaha Al-Shabaab Shangole oo Nool
Soomaali-Swidishkii La Soo Sheegay Dilkiisii oo Muqdisho Lagu Arkay
05/05/2011
Masuulka sare ee dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, Fuaad Maxamed Qalaf (Shangole) oo ay ciidamada dawladdu sheegteen dilkiisa horaantii sitimaankan ayaa arbacadii isa soo muujiyey wacadna ku maray inuu sii wadi doono dagaalada.

Duqa gobolka Gedo u qaabilsan dawladda ku meel gaadhka a, Maxamed Cabdi Khaliil ayaa wargayska Somalia Report u sheegay inuu Shangole ku jiray dhawrkii masuul ee ay ku dileen dagaaladii ay al-Shabaab ku soo qaadeen Garbaharey. suurogal ma ahayn in la xaqiijiyo sheegashadaas inkasta oo ay jireen dhawaaq labada dhanba ka sooo yeedhay.

“War aan jirin ayaad dadka u sheegtay, waa ikan, waxaanan u sheegayaa adiga iyo maraykanka” ayuu yidhii Sangole, isaga o hadalkiisa sii watan wuxuu raaciyey “Adigu ima dili kartid, waxaan dhiman markii ilaahay yidhaa”.

Shangole ayaa isagu muddo 12 sano ah ku noolaa dalka Sweden oo uu magangalyo siyaasadeed ku joogay, wuxuuna ahaa imaam masaajid ka hor intuusan ku biirin ururkii maxaakiimta islamaiga. Markii ay ciidamada Itoobiya 2006dii meesha ka sareen maxaakiimtana wuxuu ku biiray dhaqdhqaaqa al-Shabaab sida ay sheegtay idaacadda Swedishku. Wuxuuna qayb ka ahaa dhagaxii lagu dilay gabadhii 13jirka ahayd iyo gacan goyn lagu sameeyey nin lagu soo rogay fal tuugnimo ah.

Ilo-wareedyo gudaha ah ayaa u sheegay wargayska Somalia Report inay ugu yaraan 28 qof ay ku dhinteen magaalada ka dib markii ay dagaalyahanada al-Shabaab ku soo garaaceen magaalada madaafiic ay garab socdaan boqolaal ciidan oo dhulka ah kuwaasoo la dagaalamay ciidamada dawladda ku meel gaadhka ah oo ay is garabsanayaan urur-diimeedka qunyar socodka ah ee Ahlu Sunna isniintii.

Ilo-wareedyo ka ag dhaw xarakada Al-Shabaab eek u sugan Baardheere, koonfurta Garbaharay, ayaa laga soo xigtay ayaa xaqiijiyey in mas’uuliin sare ay al-Shabaab kaga dhinteen dagaaladaas, waxaana ka mid ahaa madaxa wacyi-galinta shacabka u qaabilsanaa gobolka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Maxamuud.

Gobolka Gedo oo ah xuduudka isku xidha Kenya iyo Itoobiya ayey dawladdu guulo ka gaadheen halkas oo ay magaalooyin muhiim ah kala wareegeen ciidamada al-Shabaab oo hadda hawlgalladodu isu baddaleen weerao gaadmo ah, miino-aasid iyo hawlgalada loo yaqaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.