Somali:Burcad Badeed
Markabkii FV Prantalay oo La Sii Daayey
05/12/2011
Markabkii FV PRANTALAY 12 iyo 25kii shaqaale ee saarnaa ayey B/badeedda Soomaalidu sii daayeen. Markabkan oo ahaa nooca lagu kaluumaysto ayaa waxaa la qafaashay 18kii Apriil ee sanadkii 2010, wuxuuna ka mid ahaa kolonyo maraakiibta yaryar ee kaluumaysiga ah oo B/badeedda u qafaalnaa.

Maraakiibtan ayaa si sharci daro ah uga kaluumaysanayey dalka Soomaaliya. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa noqonaya mid ka mid ah tusaale-yaasha kooban ee muujinaya inay B/badeeddu badaha Soomaaliya difaacdo. Sida ay qabto UN.ta, 6.5% weerarada B/badeeddu waxay ku wajahan yihiin maraakiibta kaluumaysiga. Markabka Prantalay ee 11,12, iyo 14 oo lala qabtay ilaa 77 shaqaale ayaa iyagu ku jiray raadinta Tunada, waxayna ka soo baxeen Jabuuti.

Prantalay-ga 14 aad ayaa isagu aad u nasiib badnaa maadaama ay badbaadiyeen ciidamada badda ee Hindiya oo saarnaa INS Cankaroo 28kii Bishi Janaayo meel u dhaw jasiiradda Lakshadweep ka dib dagaal socday ilaa 2 saacadood oo keenay inay 15kii B/badeed is dhiibaan ka dibna loo kexeeyo Kochi.

Shaqaalaha ayaa ka koobnaa 16 ka socday Myamar, halka 4 ay ka ahaayeen Thai. Sida laga soo xigtay rakaabkii saarnaa, markabkan ayaa waxaa lahaa shirkadda kaluumaysiga ee loo yaqaan P.T interfishery, waxayna ku sii jeedeen Jabuuti markii la afduubtay.