Somali:Dowladda
DFKM Weerartay Saldhigga Bilayska ee Beledweyne
05/12/2011
Xoogag taabacsan dawladda ku meel gaadhka ee Soomaaliya ayaa subaxnimadii axadda weerar ku qaaday saldhigga dhexe ee bilayska ee magaalada Beledweyne. Weerar khadhaah ayey ciidamada dawladdu la beegsadeen saldhigga ku yaalay gudaha oo ay ku sugnaayeen malaysiyada al-shabaab. Axmed Jaamac oo ah suxufi madaxbanaan ayaa u sheegay wargayska Somalia Report in weerar oo socday muddo 15 daqiiqo ah ay soo qaadeen ciidanka dawladda, xoogagga al-shabaab-na ay iska cabin ku sameeyeen, suxufigu wuxuu intaa sii raaciyey in shanqadha xabadaha loaga maqlayey xaafadda dhexe ee magaalada. “Xabado ayaan maqalnay xilli aan hurudnay, ciidanka dawladda ayaa weerary saldhigga bilayska saacaddu markay ahayd 1-30kii habeenimo, weerarkan ayaa u ekaa midkii looga bartay xoogagga al-shabaab ee ahaa ku dufo oo ka dhaqaaq”. Jaamac ayaa sidaa sheegay. Lama ogaan karo khasaaraha uu weerarku sababay maadaama ay xarakada al-shabaab xayiraad xagga saxaafadaha ah soo rogtay suxufiyiintuna aysan booqoan Karin aagagga ay dagaaladu ka dhaceen. Wuxuuse sheegay in macluumaad dheeri ah ay dhawaan so bixi doonaan.