Somali:Al Shabaab
Khilaaf Beeleed Dhex Galay al-Shabaab
Dablayda Deegaanka oo Diidday Hoggaan Shishe
05/17/2011
Khilaaf beeleed ayaa ururka al-shabaab ka hortaagan dadaaladii ay ugu jireen hawlgalladoodii ku salaysnaa ku dhufo oo ka dhaqaaq ee ay ku doonayeen inay kaga hortagaan guulaha ay ciidamada dawladdu ka gaadheen magaalooyinka xuduudda dhaca ee gobolka Gedo

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa 60 askari oo ka tirsan al-shabaab kana soo jeedda beesha Mareexaan ee Daarood oo ku sugnaa degmada Buurdhuube ay diideen inay amar ka qaataan hoggaamiye-yaashooda ciidan ee kala ah Sheekh Cali iyo Macalin Yuusuf oo labaduba ka soo jeeda beesha Mirifle ee degta gobolada Bay iyo Bakool. Askartan ayaa ka gadoodda hoggaamiye-yaashaa ka dibna isku dayday inay samaystaan xerooyin gooni ah, waxaase meesha ka bilowday is rasaasayn labada dhinac ah oo keentay dhaawac cuslus o laba askari ah iyo dhaawacyo fudud oo ilaa 10 askari ah.

Wargayska Somalia Report ayuu mid ka mid ah dadka deegaanku u sheegay inay oday-dhaqameedyada Mareexaan magaalada Garbaharey ka wadeen wadahadalo dib u heshiisiin ah.

Khilaafkan ayaa keenay inuu dib u dhaco weeraro dagaal oo lagu qaadi lahaa ciidamada dawladda ku meel gaadhka ah iyo urur-diimeedka qunyar socodka ah ee la safan dawladda ee ku sugan magaalooyinka Luuq iyo Garbahareey ee gobolka Gedo.

Wargayska Somalia Report ayaa la socda inay ciidamada alshabaab qodanayaan dhufaysyo ay ka galaan waxyeelooyin ka soo gaadha dagaalada ay kula jiraan DKM iyo ciidamada ASWJ oo dhawaan meelo muhiim la wareegay bilihii la soo dhaafay.